Burconews.net
Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Mashruuc Lagu Burburinayo Dastuurka Somaliland Kasoo Qaatey Inadeerkiisa Maxkamada Sare Ee Somaliya Haysta + Xogo La Helay . . Cabdi Aden Beeg
July 7, 2019 - Written by ceerigaabo news

Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Mashruuc Lagu Burburinayo Dastuurka Somaliland Kasoo Qaatey Inadeerkiisa Maxkamada Sare Ee Somaliya Haysta + Xogo La Helay . . Cabdi Aden Beegsi Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Bilihii U Danbeeyay Calaamata Su’aal Saarayey Qodobo Ka Mida Dastuurka Somaliland Ayaa Ugu Danbayntii La Ogaadey Inuu Mashruuc Kasoo Qaatey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliya Baashe Yuusuf Axmed . Xoghayaha Golaha Guurtida Ayaa Horaantii Sanadkan Golaha Guurtida Somaliland Oo Magaciisa Saxda Ah U Yahay Aqalka Guurtida Ku Dhejiyey Boodh Ay Ku Qoran Tahay Aqalka Sare , Is Waydiin Iyo Dabo Gal Dheer Ka Dib Waxa Banaanka Usoo Baxdey In Xoghaye Beegsi Uu Mashruuc Kasoo Qaatey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliya Mr Baashe Oo Ay Ilmaadeer Yihiin . Dhanka Kale Bilihii U Danbeeyay Waxa Xoghaye Beegsi Uu Bilaabay Inuu Sameeyo Dastuur Jebin Isagoona Khilaaf Ka Dhex Abuurey Labada Aqal Ee Guurtida Iyo Wakiilada. Xoghaye Beegsi Ayaa Waqti Xaadirkan U Muuqda Mid Ay So Dhex Maran Gacmo Shisheeye . Mr Beegsi Oo Shacabka Somaliland U Aqoonsan Yihiin Inu Yahay Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Dibin Daabyooyin Faro Badan Kula Kaca Qaranka Isagoo Huwan Magaca Golaha Gurtida Somaliland . . La Soco Qaybta Labaad ,

COMMENTS
Latest News