Burconews.net
Guddiga qaban-qaabada kulanka Dib-u-heshiisiinta oo ka digay in la siyaasadeeyo shirka Dhuusa-Mareeb
July 31, 2019 - Written by Admin

Guddiga guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhuusa-Mareeb ayaa ka digay in la siyaasadeeyo shirka loogana baahan yahay in wixii tabasho ah oo ay qabaan beelaha ay ka dhax-sheegaan shirka.

‘’Meel kasta oo aan tagno dadku cabasho ayeey qabeen, cabashadoodana waxaa ay ku saleysan tahay intooda badan cadaalad darro ay ka tirsanayaan habka wax loo qeybsaday iyo waliba maamuladii hore ee deegaanka soo maray Annaga waxaan rabnaa in aan shirka la siyaasadeynin oo wixii tabasho ah laga dhax sheego shirka Dib-u-heshiisiinta ayuu yiri ‘’ Cabdiraxmaan Baadiyoow.

Guddiga oo kulankoodii ugu danbeeyay la qaatay odayaasha degmada Cadaado ayaa wax natiijo ah kala soo laaban, kaddib markii ay wax-garadka degmadu ku gacan-seyreen ka qeybgalka shrka.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Shirka ayaa lagu balansan yahay in uu ka furmo degmada Dhuusa-Mareeb 5ta bisha Agosto ee nagu soo foolka leh.

COMMENTS
Latest News