Burconews.net
Duqii Muqdisho Oo U Geeryooday Dhaawacyadii Ka Soo Gaadhay Qaraxii Lala Beegsaday
August 1, 2019 - Written by Admin
Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar, sida ay xaqiijisay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaradaha Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Allaha u naxaristo, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qarax ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir maalintii Arbacadda ee toddobaadkii hore.

Marxuun Eng Yariisow, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

COMMENTS
Latest News