Burconews.net
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Puntland Ugu Hambalyeey 21 Guurada Ka Soo Wareegtay Xilligii La Aasaasay
August 1, 2019 - Written by Admin
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.


“Hambalyo dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka deegaanka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.

COMMENTS
Latest News