Burconews.net
Wasaarada Waxbarashada Wadanka Itoobiya Oo Al Baabada Isugu Dhufatay Qaar Ka Mida Jaamacadaha Wadanka Itoobiya + Faah Fahin Dheeraad Ah [Akhri]
September 11, 2019 - Written by ceerigaabo news

Wasaarada Waxbarashada Wadanka Itoobiya Oo Al Baabada Isugu Dhufatay Qaar Ka Mida Jaamacadaha Wadanka Itoobiya + Faah Fahin Dheeraad Ah [Akhri]

Hay’adda U Xilsaaran Ilaalinta Tayadda Ee Waxbarashadda Sare Ee Dalka Ethiopia (HERQA) Ayaa Albaabadda Isugu Dhufatay 15 Jaamacadood Oo Ku Yaala Dalkaas, Arintan Ayaa Ka Danbaysay Ka Dib Markii Hay’addu Ay In Muddo Ah Baadhaysay Tayadda Waxbarasho,

Sida Ku Cad Warbixin Ay Soo Saartay 20 Kii Bishii April Ee Sanadkan 2019. Laguna Baahiyay Dhamaan Saxaafadda Dalka Ethiopia Sida TV-Yada, Idaacaddaha, Jaraaidada Iyo Website Ka Hay’adda HERQA, Jaamacaddan Rift Valley Ee La Xidhay Ayaa Ka Hawl Gasha Casimadda Somaliland Ee Hargeysa.

Ardaydii Dhiganaysay Jaamacadda Rift Valley Fareceeda Hargeysa Ayaa Ilaa Hadda Garan La’a Dhinac Ay Dhaqaaqan Marka Laga Reebo Tiro Kooban Oo Qaadatay Goaan Ay Ku Soo Bilaabayaan Jaamacaddaha Kale, Maamulka Jaamacadda Ayaa U Diiday Inay Ardaydu Ay Badal Helaan. Arintan Ayaa Warwar Galisay Walidiinta Iyo Ardaydii Wax Ka Baranayay Jaamacadda La Xidhay Ee RIFT VALLEY UNIVERSITY.

COMMENTS
Latest News