|
|||||||||
Burconews.net
Kenya oo wafdi u direysa caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe
October 11, 2019 - Written by AdminAadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya wafdi sare u direyso caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Wafddi culus ayaan u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale. Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay. Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
COMMENTS
|
Latest News
|