Burconews.net
Maayar Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco oo bilaabay inuu Dhul u boobo Maayarka Ber-bera iyo Gebilay.
October 31, 2019 - Written by Admin

Burconews.net:-Waxaa bilaabamay isku bedel Dhul oo laayskugu bedelayo dhul dad shacab ah ay leeyihiin oo maayar soltelco dhul ugu bedelayo maayir Cidin iyo maayir Maxamed Aamin, taas oo waqti hore ay iyagu Dhul ka siiyeen Magaalooyinka ay masuulka ka yihiin, ka dibna ay noqotay in iyagana uu dhul uga boobo shacabka reer Hargeisa taasoo maalin jimce maayirku dhisme xad ku sameeyay Beerta Agoonta Ilma Barre xaji faarax oo ku taala agaagarka kaantaroolka galbeed ee Hargeisa isagoo adeegsanayaa laamihii Amaanka Qaranka iyo Niman tuuga oo wada shaqaysta oo saldhigyada iyo Maxakamadaha ka caana hada ka horna laba jeer oo hore dil ka dhacay iyadoo masuuliyad darada maayirkana ay ahyd imikana tii oo kale taagan tahay oo dadkii beerta lahaa iyo Ciidamadii amniga oo maayirku sifo sharci darro ah ku adeegsanayo oo ay hub isla hor fadhiyaan, taasoo maayirku doonayo inuu dhul si sharci darro ah ugu dhiso maayirada uu dhulka u doonayo, Dhulkaas oo aan wax qorsha ah loo samaaynin kana jirto xaalad Amni darro wixii ka dhacana uu mayirku dusha u ridan doona, hadaba waxaan u soo jeedinaynaa xukuumada Soomaaliland gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaarsoorka Dalka sida Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta in Arintaas hoos loo eego si dhakhso ahna wax loo qabto.
waa bilaahi tawfiiq
Qoraa:-Maxamed Aadan Ruush

COMMENTS
Latest News