Burconews.net
Iyadoo Galabta lagu waday in Garoonka Eng Yariisoow [Ex Koonis] lagu qabto muxaadarro Shacabka reer Muqdisho uu jeedin lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dib loo dhigay qabashada muxaadarradaas ilaa maalinta Axadda ah. Muxaadarrada Sheekh ayaa la sheegay in ay ku saabsan tahay arrimo la xiriira masiibooyinka iyo markii ay dhacaan sida loola tacaalo, laakiin haddana dhinaca kale marka la eego saacadihii ugu danbeeyayba waxaa soo ifbaxayay kala qeybsanaan weyn oo salka ku heysa Muxadaarrada Sheekh oo Culimada qaarkood ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Culimadii sida weyn u taageertay afgaarta xagjirka oo ilaa iyo hadda ay aaminsan yihiin Ururka Al-shabaab. Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliya Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow ayaa ku sheegay Sheekh Umal shaqsi faafiya afgaarta xagjirnimada, arrintaas oo uu Sheekh Umal ku tilmaamay mid aan sax ahayn ah. Dowladda Federaalka ayaa Guddi u xilsaartay qaban qaabada iyo qabsoomida Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabanayo Muqdisho.
November 22, 2019 - Written by Admin

Diyaarad weyn oo sidda gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaartay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Gargaarka ka yimid dowladda Talyaaniga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yimadaan Yurub oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay ku dhufatay Fatahaadda gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay  deeqdaan ka timid dowladda Talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la  gaarsiin doono dadka ay saameeyeen Fatahaaddaha.

COMMENTS
Latest News