Burconews.net
Safiir Ku Xigeenka Dalka Kinya U Fadhiya Somaliland Ayaa Dalka Keeney Koox Kubada Cagta Oo Ka Socota Kinya
December 20, 2019 - Written by ceerigaabo news

Waxaa Magaalada Hargeysa Soo Gaadhay Koox Ku Badda Cagta Ah Oo Ka Socta Dalka Kenya.

Waxaa Garoonka CIGAAL Ku Soo Dhaweeyay Masuuliyin Ka Socota Xukuumada Somaliland

Waxaa Dalka Keenay Safiir Ku Xigeenka Somaliland Ee Dalka Kenya Sharmarke Geelle.

Kooxdani Oo Kooxaha Heerka Koowaad Ee Dalkaasi Ayaa Waxay Ciyaar Saaxibtinimo ah La Ciyaari Doonaan Laba Kooxood Oo Heerka Koowaad Ah Oo Ka Dhisan Magaalooyinka Hargeysa Iyo Boorame.

Ciyaarta Ugu Horysay Ayaa Maalinta Bari Ah Ka Dhici Doonta Garoonka Wayn Ee Hargeysa

Halka Maalinta Axad Ah Ay Ciyaar Xiiso Leh Dhex Mari Doonto Kooxdani Heerka Koowaad Ee Ka Timid Dalka Kenya Iyo Koox Heerka Koowaad Ee Magaalada Boorame.

Waa Markii Ugu Horeysay Ee Koox Ka Socota Wadamada Geeska Africa Ay Koox Somaliland Ka Dhisan Kula Ciyaarto Gudaha Dalka .

Ciyaaraha Noocan Oo Kale Ayaa Noqon Kara mid Kor U Qaadda Magaca Jamuuriyada Somaliland Iyo Mid Wax Wayn Ka Tara Mustaqbalka Ciyaaraha Somaliland

 

COMMENTS
Latest News