Burconews.net
Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi Ayaa maanta Ka Qayb Galay Munaasibad Qalinka Loogu Dugayay heshiis iskaashi iyo is afgarad ku qotoma Waxbarashada heerka 2aad ee Masters Degree
February 1, 2020 - Written by ceerigaabo news

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi Ayaa maanta Ka Qayb Galay Munaasibad si rasmiya qalinka loogu duugayay heshiis iskaashi iyo is afgarad ku qotoma Waxbarashada heerka 2aad ee Masters Degree, Daraasaadka iyo cilmi Baadhista iyo horumarinta farsamada xogta, isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada ICT oo dhexmaray Machadka Shaqaalaha Dawlada iyo Jaamacada Jigjiga ee Kililka ismaamulka soomaalida itoobiya. Waxa imika sanadkan 2020 lagu bilaabayaa Waxbarashada heerka 2aad oo ah Maaraynta khatarta masiibooyinka iyo horumarka waara ( Masters Degree on Disasters risk management and sustainable development) oo Machadka shaqaalaha dawlada ee SL bixinayo isagoo gacansaar Ku qotoma heshiis kaas la leh jaamacada jigjiga ee Dalka Itoobiya. Tani waxay ka mid tahay dadaalka joogtada ah ee Hayada dhaqaalaha dawlada iyo machadkeedu ugu jiraan sidii tayada shaqaalaha dawlada loo gaadhsiin lahaa heerka ugu sareeya ee aqoonta looga baahan yahay shaqada wasaaradaha iyo Hayadaha dawlada ee ay ka shaqeeyaan si adeega bulshadu u noqdo mid ka jawaaba baahida bulshada.  Maxadka Hayada Shaqalaha Ayaa uga mahadceliyay wasiirada iyo Gudoomiyayaasha Hayadaha dawlada Ee Munaasibada ka soo qayb galay.

COMMENTS
Latest News